Antécédents

Les buts du programme

Principes directeurs:

L’ approche

Structure organisationnelle

Le Comité directeur

Financement/ Contributions

La composante de recherche du programme

Nos services

Recherche et publications

Bulletin

Vous voulez aider?

Emplois disponibles

Ressources pour parent

Ressources pour enfants

 

Politique anti produits parfumés

Pour nous rejoindre
Arabic Scent Free Policy
French Scent Free Policy
English Scent Free Policy
Spanish Scent Free Policy

Xeerka/shariciga ka yaalla UDUGGa ama Carafta qofku marsado

Maxuu yahay xeerka aan u leenahay udug la’aanta?

Maadaama, warwar caafimaad darro ahi ka jiro waxyaabaha udugga leh ama carfta leh ee dadku marsado, Golaha Caafimaadka Beesha Koonfur-Bari ee Ottawa wuxuu abuuray xeerka udugga ama caraf la’aanta goobta shaqada. Xeerkaas oo hirgalintiisu saameynayso dhammaan shaqaalaha, tabarrucayaasha iyo dadka ku nool deegaanka beesha.

Xaqiiqooyinka laga helay baadhitaanka dhinaca caafimaadka wuxuu muujinayaa in waxyaabaha udugga ama carafta leh ay u daran yihiin dadka leh xasaasiyadda, ama wadno xanuunka ama cudurrada sambabada. Si loo tixgaliyo baahiyaha caafimaad ee dadka leh dareemmadaas iyo kuwa aan lahayn dhammaan, islamarkaana qof walba loongu helo goob shaqo oo caafimaad leh Golaha Caafimaadka Beesha Koonfurta-Bari ee Ottawa(GCBKBO) wuxuu mamnuucay in waxyaabaha udugga ama carafta leh lagu isticmaalo dhammaan qaybaha dhismihiisa ururka.

Maxay yihiin dhibatooyinka caafimaad ee ay keenaan waxyaabaha udugga leh?

calaamadaha lagu garto neefta ama xiiqda
Madax xanuun
Indhaha oo ilmeeya ama qallala
Daalka
Weershanimada
Lalabbada
hindhisada iyo cabburka
murqaha iyo xubno xanuunka
sanboorka
cadaadiska dhiigga oo kaca
dhago xanuun
qanjo bararka
wareer
neefsashada oo kugu adkaata
furuuruc

Maxay yihiin waxyaabaha udugga lehi?

Shaambooga iyo kondishinarka
saabuunta
waxyaabaha timaha lagu buufiyo
alaabta la isku qurxiyo
waxyaabaha dhididka lagu iskaga ilaaliyo
waxyaabaha hawada lagu udgiyo
Barafuunnada ragga iyo udugga garxiirka
saliidda la marsado
Parafuunnada
shamacyada
Kiriimka jirka iyo wajiga
Uunsiga iyo fooxa
Reexaanta
Waxyaabaha guryaha iyo dhismayaasha warshadaha lagu nadiifiyo.


Maxaa la doonayaa inaad samayso?

Markaad soo booqanayso ururka Guriga Beesha Bilowga Fiican waa Mustaqbalka Wanaagsan(BFMW) ama Cayaaro-Kooxeedka Carruurta ama Golaha Caafimaadka ee Beesha Koonfur Bari ee Ottawa, fadlan ha soo marsanin waxyaabaha udugga leh. Dharkaaga waxaad ku dhaqdaa saabuunta udug la’aanta ah, jirkaaga ha ku maydhin saabuunta jirka ee udgoon, ha isku buufinin diyoodorantaha, timahaaga ha ku dhiqin shaamboo,hana marsanin barafuun ama catar. Haddii aad uga shakido waxyaabaha qaar inay udug leeyihiin, ka isticmaalin.
Waxa muhiim ah oo dhammaanteen masuuliyad inaga saaran tahay inaynu hubinno sidii aynu Golaha Caafimaadka ee Beesha Koonfur Bari ee Ottawa iyo Bilowga Fiican waa Mustaqbalka Wanaagsan(BFMW) labaduba u noqon lahaayeen bii’aad qod waliba caafimaad laga helo.


free